U bood dhigaalka

Hiiraan: 30 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay iska dhiibay gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan gaashaanle sare Cabdullaahi Barre Cilmi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo dhoweeyeen dhowr iyo labaatan dagaalyahan oo ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo ka dagaalamayay gobolka Hiiraan.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay jiraan rag kale oo la soo xiriiray ciidamada kuwaasi oo doonaya in ay isa soo dhiibaan oo ay yimaadaan magaalada Beled weyn isaga waxa uuna tilmaamay in rag kale ay iska dhiibeen degmada Buulo-burte kuwaas oo la geyn doono sida uu shaaciyay magaalada Beled weyne.

Gaashaanle sare Cabdullaahi Barre Cilmi oo ka waramay xaalada ammaan ee Buulo burte ayaa xusay in madaafiic dhowr ah ay xalay ku soo dhaceen qaar ka tirsan xaafadaha degmada isaga oo ku eedeeyay in Al-shabaab ay ka soo tureen meel fog.

Hoos ka dhageyso wareysiga Max’ed Daahir Cilmi uu la yeeshay gaashaanlaha: