U bood dhigaalka

Hiiraan: Digniin Loo Direy Dadka Ku Howlan Xaalufinta Dhirta

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Hiiraan ayaa digniin u direy dadka ku howlan xaalufinta dhirta ee deegaannada gobolkaasi.

Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ah taliyaha Booliiska Hiiraan ayaa isaga oo wareysi siinayey Goobjoog News, waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin xaalufin lagu sameeyo deegaanka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay gacanta ku hayaan dadka ku howlanaa arrimaha xaalufinta, islamarkaana cadaallada ay horkeeni doonaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyey ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay kula dagaallamayaan dadka caadeystay xaalufinta dhirta oo halis badan ku ah jiritaanka noolaha.

“Waxaan sameynay howlgal ballaaran oo aan ku gaarnay deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan, waxaan gacanta ku dhigney dad xaaluf ku hayey dhirta deegaanka, halis badan ayeey dadku ku hayeen, waxaana la ogyahay in geeduhu ay noolaha ku nool yihiin, meesha haddii geed laga waayana abaar ay imaaneyso” ayuu yiri taliyaha.

Taliye Cali Dhuux, ma aanu sheegin tirada rasmiga ah ee dadka ay kusoo qabteen howlgalkaan, balse waxa uu ku celceliyey in cid walbo oo lagu helo dhirgoyn xabsi loo taxaabi doono.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si xowli ah dhir jaris ay uga socotay deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan, iyadoo ay jirto abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News