U bood dhigaalka

Hiiraan: Maamulka Oo Canshuur Ka Qaadaya Shirkadaha Iyo Guryaha

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka dhanka  arrimaha bulshada maamulka  gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali, ayaa sheegay inay bilaabi doonaan canshuur ka qaadista Shirkadaha iyo Guryaha hadda ka dib.

Guddoomiye ku-xigeenka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan uu si toos ah u bilaabi doono canshuuraha, walibana laga qaadi doono shirkadaha iyo Guryaha.

Waxa uu tilmaamay Xuseen Cismaan in aysan qaadi jirin markii hore canshuuraha balse ay hadda ku dhalatay inay lacagaha canshuuraha ay ka qaadi doonaan Shirkadaha iyo Guryaha .

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay muhiim tahay Bankigii lacagta lagu soo xareyn lahaa  isagoo xusay inaan la arki karin lacag si sharci darro ah loo lunsanaya “Howsha hadda socota Bankiga lacata lagu soo xaraynayo waa muhiim, maxkamadaha waxaa loo hirgaliyay waxaa waaye ciddi Hal dollar lunsato in maxkamadda la horkeeno oo sharciga lagu qaado”.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa noqonaya haddii tallaabadan uu ku dhaqaaqo maamulkii ugu horreyay ee canshuuraha ka qaada guryaha.

Goobjoog News