U bood dhigaalka

Hiiraan: Qoysas Ka Cabanaya Biyo La’aan

Sheeko:Dalka

Qoysas ku nool deegaanno ka tirsan bariga gobolka Hiiraan ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ay ugu horreyso biyo la’aan baahsan oo dadkaasi haysan.

Qaar kamid ah dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay tahay helitaanka biyo ay cabaan oo adag, sababo ay ku sheegeen qiimaha biyaha oo aad u sarreeya, dadka qaarna aysan iibsan karin.

Waxa ay tilmaameen in deegaannada ay ku sugan yihiin ee gobolka Hiiraan ay sidoo kale ka jirto caafimaad darro, raashiin la’aan iyo sidoo kale hoy la’aan maadaama dadka qaar ay deegaanno fog kasoo barakaceen.

Dadka ugu daran ee xaaladdan adag ka cabanaya ayaa ku nool degmada Maxaas iyo deegaannada kale ee ku dhow degmadaasi.

“Waxaan codsaneynaa in biyo iyo gurmad naloo keeno, waxaa inoogu daran biyo, waxaa xiga raashiin, waxaa inoo xiga lacag, wax aanan u baahneyn ma jirto, meel fog baa biyaha nalooga keenaa, Halkii tanag waa 15-kun oo shilin dadkana ma wada iibsan karo” sidaasi waxaa yiri Cali Salaad Ugaas Cismaan oo kamid ah waxgaradkii la hadlay Goobjoog News.

Dalka waxaa ka jirta abaar saameysan dadka iyo duunyada, meelaha qaar dadka ku dhaqanna weli ma aaney helin wax gurmad ah.

Goobjoog News