U bood dhigaalka

Hiiraan: Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Faah-faahiyey Howlgalladii Ay Sameeyeen

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa guullo ka sheegtay howlgal ay maalmihii ugu dambeeyay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan.

Taliyaha guutada Shanaad ee ciidanka xoogga dalka gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge iyo Taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guullo ay ka keeneen howlgalladii ay sameeyeen.

Ugu horreyn, Taliye Waasuge ayaa sheegay in howlgalladii ay ka sameeyeen deegaannada u dhaxeeya B/weyne iyo Maxaas ay ku dileen 7 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

“Waxaan howlgalkaan ku dilney 7 kamid ah nabad diidka, waxaan ka qabsannay gaari, hub iyo isgaarsiin sida aad aragtaanba, howlgalka waa uu socon doonaa illaa amniga aan ka xaqiijineyno” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka xoogga dalka, Axmed Maxamed Tareedishe ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamada aysan  howlgalka hakin doonin inta Al-shabaab ku sugan yihiin deegaannada ay ka howlgalayaan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab ka wadeen deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan.

Goobjoog News