U bood dhigaalka

Hiiraan: Taliska Booliiska Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Sameeyeen

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal amni sugid ah oo ciidamada ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidankooda ku guuleysteen iney ka hortagaan Miinooyin lagu aasay waddooyin ay inta badan shacabka adeegsadaan.

“Waxyaabo badan oo cadowga maleegeen baan ka hoortagnay, Miinooyin ayeey ku aaseen wadada isku xirta Ceel-gaal iyo Kalabayr taas oo la ogyahay iney tahay muhiim, shacabka iney ku dhibaateeyaan bay isku dayeen, waliba Labo jeer bishan gudaheeda, shacabka ayaa nasoo wargeliyey waana laga saaray wadadaasi Miinooyinka ay cadowga ku aaseen” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliye Isaaq ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Hiiraan uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana dhowaan lagu guuleystay in la kala qaado ciidamo beeleed dhowaan ku dagaallamay gobolkaasi.

Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa ugu dambeyn sheegay in  ciidamada Booliiska u taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee gobolka Hiiraan, islamarkaana ay la dagaallami doonaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka wadaan deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ka tirsan.

Goobjoog News