U bood dhigaalka

Hillary Clinton Oo Taariikhda Gashay, Haweeneydii Ugu Horeysay Ee U Tartanta Madaxtinnimada Mareykanka

Sheeko:Dalka

Hillary Clinton ayey xisbiga Dimoqoraadiga si rasmi ah ugu magacaabeen in ay sanadkan u tartanto madaxtinnimada dalka Mareykanka, waa markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka oo arrintaas dhacdo.

Bill Clinton oo ah seyga Mrs Clinton horayna u soo noqday madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Hillary ay tahay qof taariikhda bedela.

Clinton oo ka hadlay xaflad Dimoqoraadiga ay ku qabteen Philadelphia ayaa sidoo kale ka warramay sida ay isku barteen iyo sida ay u go’aansadeen in ay dalka iyo dadka Mareykanka u shaqeeyaan.

Ugu dambeyntii Hillary Clinton oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in laga yabaabo in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee Mareykanka madaxweyne ka noqota laakiin mid ka mid ah gabdhaha Mareykanka ay noqon karaan midda iyada ku xigta.

Goobjoog News