U bood dhigaalka

Hilowle Aadan: Go'aanka Kornel Barre Hiiraale waa mid gobolka hormar u ah

Sheeko:Dalka
Midig: Kornel Barre oo la qadeynaya wasiirka maaliyada Soomaaliya, Kismaayo
Midig: Kornel Barre oo la qadeynaya wasiirka maaliyada Soomaaliya, Kismaayo

Hilowle Aadan Maxamuud ayaa go’aankii Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) ku sifeeyay mid dhameystir u ah maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Hilowle Aadan oo hore u soo noqday xildhibaan ka tirsan barlamaankii KMG ahaa isla markaana kaalin ka soo qaatay dhismaha maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in siyaasiyiinta Jubbooyinka uu ugu baaqay ka qeyb qaadashada nabadda iyo horumarka.

Waxa uu sheegay in waqtigan ay muhiim tahay in masuuliyiinta maamulka KMG Jubba ay dar-dar galiyaan wada hadalka iyo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, wuxuu iska fogeeyay warar mudooyinkii dambe ay ka baahinayeen qaar kamid ah warbaahinada Soomaaliya.

Hogaamiye kooxeed hore ahaana wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa ogolaaday in uu qeyb ka noqdo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu wado in uu maalmaha soo socda ka furmo Kismaayo.

Hoos ka dhageyso warbixinta Wariye Maxamed Cabdulaahi: