U bood dhigaalka

Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga oo Ajendaha Baarlamaanka laga Saaray iyo Dood Kulul oo ku Saabdsan Dakhliga Dowladda ee Janaayo-Maajo 2015

Sheeko:Baarlamaanka

Kullanka 11aad kalfadhiga 7aad ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka, kulankan waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan, Ajendayaasha kulanka waxaa ka mid ahaa Akhrinta 2aad dib u eegista hindise sharciyeedka lagu dhisayo maxkamadda dastuuriga ee jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya.

Ugu horeyn Maxamed Cabdulahi Fadheeye oo ka tirsan guddiga arrimaha gudaha, ajendaha lagu dari karin, xukuumddii hore ayaa la laabatay sharcigan.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in sharciga ay xukuumaddii labaad ee xasan Sheekh la noqotay, sidaa darteed waxaa la isku qabtay in aan la akhrin Karin oo xukuumadda dib ula noqoto.

Guddoomiyaha golaha shacbka ayaa u yeeray xogheyaha guud Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux isagoo ka hadlay heerarka sharciga iyo sida dib loola noqday, guddoonka ayaa go’aamiyay in ajendaha maanta laga saaro

Waxaa hindise difaacay guddoomiyaha guddiga garsoorka, awqaafra iyo arrimaha diinta Aden Sidiq Maxamed, Hakad ayaa la galiyay ee ma jirin la noqosho.

Ugu dambeyntii guddoonka golaha shacabka ayaa go’aamiyay in ajendaha maanta laga saaro Akhrinta 2aad dib u eegista hindise sharciyeedka lagu dhisayo maxkamadda dastuuriga ee jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya, lama oga in xukuumadda hor-iman doonto baarlamaanka iyo in kale.

Guddiga Garsoorka, awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa sharcigan dib u eegis ku sameeyaan 25/05/2015.

Dhinaca kale, golaha shacabka federaalka  ayaa maanta waxaa ka dooday dhamaan qodobada qaraarka warbixinta dakhliga dowladda ee bilaha Janaayo ilaa Maajo 2015

Waxaa marka hore la akhriyay dhamaan 20 qodob , waxaa la ogolaaday in mudanayaasha ay ka doodaan, Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in wax laga badalo qodobada qaar.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in Xeer ilaaliyaha iyo hanta dhowrka  ay hor yimaadaan golaha shacabka si ay uga jawaabaan hadalka hanta dhowrka oo ahaa in 19 wasaaradood lunsadeen dhaqaale.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale soo jeediyay in la keeno dhamaan heshiisyada ay dowladda la gashay dhinacyada kala duwan iyo arrimo kale.