U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Ganacsatada Xamar Waxaan U Fureynaa Dekad

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim Warsame oo ka tirsan baarlamaanka maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaldan tahay in canshuur dheeraad ah ay saarto ganacsatada gobolka Banaadir

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro boob sidaas daraadeedna ay tahay inay ganacstada ka deyso cadaadiska ay saareyso, waxa uu hoosta ka xarriiqay in haddii uu sii socdo cadaadiska lagu hayo ganacsatada gobolka Banaadir ay u furi doonaan dekadda Ceel-macaan.

Xildhibaanka oo caawa wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxa uu yiri “Ganacsatada sida hadda socota haddii culeyska laga badiyo annaga oo ah Hirshabeelle ganacstada Xamar waxaan u furi doonnaa dekadaha Ceel-macaan iyo Cadalle si ay ula soo degaan badeecaddooda ayna ugu shaqeystaan, maxaa yeelay ganacsatada waan u naxeynaa”.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli uu muran ka dhaxeeyo ganacsatada Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya arrinta canshuur kordhinta oo ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News