U bood dhigaalka

Hirshabeelle oo Baaq Coronavirus Ku Aadan U Dirtay Federaalka

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa baaq u diray dowladda federaaka Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu  xusay in Hirshabeelle  ay  ka jirto dhibaato  iyo cabsi ku aadan Coronavirus.isaga oo intaas ku daray in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhibaatada ka jirto maamulkaasi.

“ Waxaan rabaa inaan dowladda ugu baaqo iyada ayaa dalka dowlad ka ah iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle dhibaato ayaa ka jirto cid ka war heyso ma jirto, cid ka wacyi gelinaysaa xanuunka majirto, runtii aad iyo aad ayey uga gaabiyeen waxaan rabaa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato” ayuu yiri guddoomiye Sheikh Cismaan,

Guddoomiya dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iyadoo dalka xuduudihiisa la xiray in weli xuduudka gobolka Hiiraan ee uu la wadaago dalka Itoobiya ay furan tahay aanan laga war heynin Qaadkana si joogto ah uu uga yimaado maalin weliba waxaana hadalkiisii ka mid ah guddoomiya xili uu ka hadlaayey arrinraas.

“ Waxaa jirto gobol Hiiraan ama Hirshabeelle xuduudka uu la wadaago dalka aan deriska nahay ee Itoobiya Qaadka laga keeno magaalada Baledweyne uu u yimaado si kheyrul caadi ah, waxaana lagu keenaa gawaari badan oo isaga goosha gobolaha ama maamulada aan dariska nahay sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed deegaannada ayuu tagaa”

Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed  ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo kiis ka mid Coronavirus lagu arkay Hirshabeelle taas ayaana keentay in maamulka ay walaac ka muujiyaan.

Goobjoog News