U bood dhigaalka

Hirshabeelle oo Baaq Ka Soo Saartay Fatahaadaha

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeebka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay wasaaradda gargaarka, Hey’adaha deeqaha bixiyo iyo shacabka in laga qeyb qaato dadaallada loogu jiro sidii looga hortagi lahaa webiga shabeelle oo bilaabay fatahaad uu ka samaynayo deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka oo muddooyinkii ugu dambaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in webiga Shabeelle uu fatahaad ka bilaabay deegaanno iyo degmooyin hoos yimaado gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaas oo aan weli ka soo kabsan fatahaadii dhowaan webiga uu sameeyey xiligii Go,a.

Madaxda dowladda ayuu si gaar ah ugu baaqay in ay il gaar ah ku haayaan xaalada ku aadan korarka uu samayn karo fatahaadda webiga, kaas oo in badan ku soo laab laabtay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, webiga ayaa waxaa inta badan uu fatahaad uu ka wadaa sedexda gobol ee webiga uu maro ee Hirshabeelle iyo KGS.

Goobjoog News