U bood dhigaalka

Hirshabeelle Oo Xilkii Ka Qaaday Gud. Warshiikh

Sheeko:Dalka

Hirshabeelle ayaa xilkii guddoomiyenimo ka xayuubisay guddoomiyihii maamulka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kaddib digreegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Warshiikh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka).

Isla wareegtada ka soo baxday wasiir daakhiliga Hirshabeelle Caadle ayaa lagu xusay in xilkaasi guddoomiyaha degmada Warshiikh loo magacaabay Cumar Maxamed Cumar. 

Magaalada Warshiikh ee Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah magaalooyinka dhaca xeebaha dalka oo haddii ay hesho dhisme fiican, kamid noqon karta goobaha loo dalxiiska tago.

HOOS KA AKHRISO:

Goobjoog News