U bood dhigaalka

Hirshabeelle Oo Xilkii Ka Qaadday Guddoomiyihii Baladweyne

Sheeko:Dalka

Sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cali Caadle ayaa xilka guddoomiyaha magaalada Baladweyne ka qaaday Maxamed Cismaan Qallaafoow, isagoo u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim(Foodcadde).

Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow xilka laga xayuubiyay loona magacaabay Yuusuf Axmed Dabageed.

HOOS KA AKHRISO:

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada