U bood dhigaalka

Hirshabelle: 60 Xildhibaan Oo Ka Horyimid Wasiirada Cusub

Sheeko:Dalka

In kabadan 60 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo ka hor yimaadeen magacaabista golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xildhibaannada Waxay sheegeen  in marnaba aysan aqbali doonin magacaabista wasiiradan oo ay sheegeen in aan loo waafajin hannaanka awood qeybsiga.

Xildhibaan Cabadiraxmaan Cabdi Iidow oo kamid ah xildhibaannada ku kulmay Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News, in baarlamaanka maamulkaasi aanu wax talo ah ku lahayn wasiirada la magacaabay.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Hirshabelle ay hadda ka rajeynayaan inuu dib ula laabto wasiiradiisa 80%, waxaana uu ku celceliyey in wasiiro aan la tashi lagu soo dhisin aan la magacaabi doonin.

“Madaxweynaha albaabkiisa ayuu shalay naga soo xirtay, xalayna waxa uu magacaabay wasiiradan oo aan cadaalad ku dhisneyn, waxa uu ku takri falay awooddii, cadaalad darro ayuu sameeyey, waxa hadda kulankaan ka qeybgalay waxaa kamid ah xubno loo magacaabay xilal muhiim ah, midda kale tirada xildhibaannada oo gaaraya 52 ma ahan wax la aqbali karo, waa in la helo wasiiro kooban oo waxqabad leh” ayuu yiri xildhibaanka.

Siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaanno ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay wasiirada cusub ee xalay ku dhowaaqay madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Goobjoog News