U bood dhigaalka

Hirshabelle: AMISOM Oo Tabobar Siin Doonta Ciidamo Booliis Ah

Sheeko:Dalka

AMISOM ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan tabobar ay siinayaan ciidamo Booliis ah kuwaasi oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in tirada Booliiska la tababari doono gaarayaan Kun, 600 kamid ah ka imaanayaan B/weyne, halka 400 ka imaaan doonaan Jowhar.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu yiri “Waxaan sii wadi doonnaa taburracaado qalab dheera ah iyo inaan cusbooneysiinno saldhiyada Booliiska si loo xaqoojiyo ulajeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”

AMISOM ayaa Booliiska ay tababari doonto waxaa looga gol leeyahay sida la sheegay horumarinta xirfadda ciidamadan iyo sidoo kale badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Booqasho Labo cisho qaadatay, ahaydna kormeer qiimeyn ah ayaa saraakiil ka socotay AMISOM waxay ku tageen magaalooyinka B/weyne iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News