U bood dhigaalka

Hirshabelle: Cabsi Laga Muujinayo In Uu Fatahaad Sameeyo Wabiga

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa cabsi ka muujiyey in Webiga Shabelle ku fataho deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasaaradda Beeraha maamulkaasi ayaa sheegtay in Wabiga oo biyo badan keenay ay keeni karto fatahaad ka dhacdo deegaannada.

Deegaannada laga cabsida qabo inuu wabiga ku fataho waxaa ka mid ah Jowhar, Mahadaay iyo deegaanno kale oo ka mid ah isla gobolka Shabellaha dhexe.

Beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ayaa xilliyadan oo kale waxaa ay walwal ka muujiyaan in tacabkii ay beereen wabiga uu ku fataho islamarkaasna ay dhashaan dhibaatooyin badan.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Xasan Muudey oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka warqabaan cabsida xilligan laga Muujinayo in wabiga uu fatahaad sameeyo waxaa uu tilmaamay in wadaan dadaallo looga hortagayo in wabiga uu Fataho.

“Cabsida ugu xooggan waxaa ay ka jirtaa Mahadaay waxaan u sheegayaa beeraleyda in aan wadno dadaallo lagu xakameynayo in uu Fatahaad Sameeyo Wabiga sidoo kale waxaa la sameyn doonaan Carro tuuryo badan”.

Inta badan deegaannada uu Maro wabiga ayaa waxaa ka dhaco Fatahaado kuwaasi oo saameyn adag ku yeesha dalagyada kala duwan ee ka soo go’a beeraha.

Goobjoog News