U bood dhigaalka

Hirshabelle: Dastuurka Oo Qodobo Laga Bedelay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxay isku raaceen in  qodobo laga bedalo Dastuurka maamulkaasi.

Kulanka baarlamaanka oo shalay dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cismaan Barre Maxamed, waxaana soo xaadirtay 98 xildhibaan.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah waxay u qaadeen wax ka beddelka qodobka 31-aad cutubkiisa 3-aad ee Dastuurka Hirshabelle, kaasi oo dhigayey in xildhibaannada Hirshabelle aaney xil wasiir qaban karin, waxaana in wax laga bedelo u codeysay 94 mudane, 3 ayaa diidey halka 1 xildhibaan uu ka aamusey, sidaasi darteed xildhibaannada Hirshabelle waa ay qaban karaan xilal wasiir.

Sidoo kale xildhibaannada Hirshabelle ayaa u codeeyay wax ka bedelka qodobka 40-aad cutubkiisa 3-aad ee dastuurka maamulkaasi, kaasi oo dhigayey in markii uu waqtiga baarlamaanka dhammaado ay maxkamadda sare kala diri karto, balse waxay xildhibaannada ku bedeleen qodobkaasi in baarlamaanka uu bedali karo oo kaliya baarlamaan si sharci ah loo soo doorto.

Maamulka Hirshabelle ayaa hadda howlihiisa waxay ku socdaan si dardar ah, waxaana la filayaa in madaxweynaha maamulkaasi soo magacaabo wasiiradiisa.

Goobjoog News