U bood dhigaalka

Hirshabelle: Haweenka Oo Weli Helin Qoondadii Ay Ku Lahaayeen Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney ka war hayaan inaan weli la dhameystirin qoondadii ay haweenka ku lahaayeen guud ahaan maamulkaasi.

Canab Axmed Ciise, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi ay siisay Gooboog News, ku sheegtay in ay ku dedaalayaan sidii haweenka u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Maamulka Hirshabelle oo aan lahayn wasaarad Haween ah, ayeey guddoomiye Canab, waxay tilmaantay in madaxweyne Waare kala hadli doonaan sidii haweenka loogu sameyn lahaa wasaarad.

“Culeysyada jira waan la soconnaa, shaqadeenna oo dib u cusboonaatay ayaa keentay in habacsanaan gasho raadinta xuquuqda haweenka, waan dareemeynaa in meesha ka maqan tahay wasaaradda haweenka, waana rajeyneynaa in madaxweynaheena uu keeni doono”

Ugu dambeyn, Canab Axmed Ciise ayaa sheegtay iney rajeynayaan in ay ku dedaali doonaan sidii 20-ka gabdhood ee ka maqan baarlamaanka Hirshabelle loo keeni lahaa, maadaama hadda baarlamaankaasi oo dhan ay ku jiraan 5 haween ah.

Goobjoog News