U bood dhigaalka

Hirshabelle iyo Hey’adaha Samafalka oo Kawada Hadalay Shuban Biyood Ka Dilaacay Hiiraan

Sheeko:Caafimaadka

Hey’adaha samafalka iyo dowladgobaleedka Hirshabeelle ayaa kulan deg deg ah maanta ku yeeshay magaalada Balaweyne ee gobalka Hiiraan, kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka shuban biyoodka kaas oo in kabadan 100 ruux loo jiifiyey Isbitaalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, maamulka degmada Beladweyne iyo kan gobalka Hiiraan iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala gobalka.

Guddoomiyaha ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in kulankii maanta looga hadlay sidii wax ka qabashada  xaalada caafimaad darri ee maalmaahan soo wajahday bulshada ku nool Baledweyne iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Goobjoog News

Halkaan ka Dhageyso wareysiga