U bood dhigaalka

Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Soo Dhoweeyey Madaxweyne Qoor Qoor

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

Ugu horeyntii, dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay, taageerana u muujisay doorashadii madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Warqad ka soo baxday madaxtooyada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in si dhow uu maamulka uu la socday geedi socodka lagu dhisayo dowlad gobaleedkii 2-aad ee Galmudug maadaama aan daris yihiin ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hirshabeelle, waxaa Illaahey uga baryeysaa inuu xilkaas culus uu ceeb asturo, waxaan rajeynetynaa loogana fadhiyaa madaxweynaha cusub inuu isku doono uu boogo dhayo Galmudug nabarada ka dhashay doorashada uuna ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo wax wada yeelashada, waxaana rajeynaynaa inuu wax walbo uu ku dhameeyo wada hadal iyo waliba walaalnimo” ayaa ku qornaa war saxaafadeedka.

Halkaan ka Akhriso Hirshabeelle.

Image may contain: text

Sidoo kale dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda ku biiriyey taageerada iyo hambalyada madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Warsaxaafadeed ka uu soo saaray dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu xusay in Koonfur Galbeed si dhow u la socotay xaalada Galmudug, waxaana ay sheegeen in labada maamul uu ka dhaxeeyo iskaashi amni iyo mid ganacsi, ayna muhiim tahay in Galmudug maamul laga dhiso dhib waliba ha loo maree ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkaan Ka Akhriso Koonfur Galbeed

Ayadoo maanta magaalada Dhuusamareeb lagu doortay madaxweyne cusub ayaa waxaa soo baxayey hambalyo iyo bogaadinta loo jeedinaayo, lakiin waxaa xusid mudan in wali madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland aysan war war ah uusan ka soo bixin oo ku aadan bogaadinta Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Goobjoog News