U bood dhigaalka

Hirshabelle: Kalfadhiga Afaraad Ee Baarlamaanka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle uu ka furmo Kalfadhiga Afaard ee baarlamaanka maamulkaasi.

Shalay ayeey ahayd in kulankan Kalfadhigan uu furmo, hase ahaatee arrimo farsamo ayuu dib ugu dhacay.

Waxaa shalay magaaladaasi ku laabtay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Guudlaawe iyo Cismaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maanta magaalada Jowhar uu gaaro madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta badan xildhibaannada Hirshabelle ayaa ku sugan magaalada Jowhar, iyadoo ammaanka magaaladaasina aad loo adkeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News