U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Khasaare Badan Nagama Soo Gaarin Dagaalkii Balcad

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inaanu jirin khasaare badan oo ciidamadooda kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle C/qaadir Jeelle oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah, hase ahaatee ciidamadooda iyo kuwa dowladdu ay xilli walba difaac adag ku jireen.

Waxa uu wasiir Jeelle Waxba-kama-jiraan ku sheegay warar sheegayey in Al-shabaab ay gubeen gaadiid dagaal oo maamulka Hirshabeelle lahaa, kadib dagaalkii Balcad.

“Cadowga dhankooda ayuu khasaaraha u badan yahay,  ma jiro wax gaari ah oo dhankeenna laga gubay, ama waxyeello muuqata oo nasoo gaartay” ayuu yiri wasiir Jeelle.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo Jimcihii shalay weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa u suurtagashay in saacado kooban ay haystaan qeybo kamid ah degmadaasi.

Goobjoog News