U bood dhigaalka

Hirshabelle: Kullamadii Baarlamaanka Oo u Qabsoomi Waayey Kooram La’aan

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsan xildhibaannada maamul goboleedka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in magaalada Jowhar ay joogaan wax ka yar 10 Xildhibaan, taasina ay keentay inuu qabsoomi waayo kulankii baarlamaanka Hisrahbeelle.

Xildhibaanka, waxaa uu intaasi ku daray in rrintaas ay sidoo kale sabab u noqotay gaabis ku yimaaddo shaqooyinkii dowlad goboleedka iyo waajibaadkii saarnaa golaha xildhibaannada.

Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu marayo la xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Arrimahaas isagoo ka hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Baarlamaanka hadda waa uu furanyahay, hase heeshee xildhibaannada majoogaan oo Kooramkii lagu furi lahaa kulanka ma dhameystirna, xildhibaannadii waxaa ay soo wada aadeen magaalada Muqdisho arrintaasna waxaa ay keeneysaa wax gudasho la’aan “.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli kulanka xildhibaannada maamulka Hirshabelle uu furmayo, waxaa meesha ka maqan xildhibaanno badan kuwaas oo qaarkood joogaam Muqdisho, waxaa uu sidoo kale uu sheegay xildhaanka in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan.

Goobjoog News