U bood dhigaalka

Hirshabelle: Kuma Qanacsanin Miisaaniyadda Ay Xukuumadda Inoo Qoondeysay

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay dhaqaalaha ay u qoondeysay xukuumadda maamullada dalka ka jira qeybta kaga soo aaday.

Wasiirka qorsheynta maamulkaasi Maxamed Cabdi Cabdullaahi  ayaa wareysi kooban oo uu siiyay Goobjoog wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan aysan ku qanacsanayn dhaqaalaha loo qoondeeyay ee dhan 700 kun oo dollarka Maraykanka ah.

Waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay iska diideen oo ay dib ugu celiyeen xukuumadda, hadana uu socdo wadahadal arrintaasi ku aadan.

“Wax aan la yaabannahay waaye qoondada nagu soo aadday, xukuumadda waan ku warcelinnay, dowladnimada ayaan ogolnahay oo la baaro waxan sidii ay ku dhaceen, weli wadahadallada waa ay inoo socdaan, miisaaniyadda hadda la qoondeeyay marka loo eego maamulkeenna mid wax inoo qaban karta” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Maxamed ayaa kasoo horjeestay wararka leh in maamulkooda uu wax la wadaagi doono gobolka Banaadir, sidaasina lacagtaasi loogu qoondeeyay, wuxuuna sheegay in taasi aysan sax ahayn oo maamulkooda xaq u leeyahay waxa ay helaan maamullada kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay miisaaniyadda ay u qoondeysay dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana qarash ahaan aad u yaraaday midka kusoo aaday maamulka Hirshabelle, taasi oo dood keentay.

Goobjoog News