U bood dhigaalka

Hirshabelle: Madaxweyne Waare Oo Waxqabad La’aan Lagu Eedeynayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa sii kordhaya Xildhibaannada ka soo horjeeda hanaanka shaqo ee Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waar, Xildhibaan Axmed Libi ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News waxaa uu ku sheegay in Madaxweyne Waare ilaa iyo hadda uusan qaban wixii looga baahnaa .

Xildhibaan Axmed waxaa uu tilaamay in Maamulka Hirshabelle ay ka luntay labo sano oo ay soo kala maamulayeen labo Madaxweyne.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in marar badan ay isku dayeen in Madaxweyne Waare ay kala hadlaan arrimamaha shaqo ee Maamulka isaga oo tiilmaamay in arrimahaasi uusan dheg jalaq u siinin.

“Shaqadii Hirshabelle aad bey u gaabantahay cid kastana waa ay ogtahay ma jirto cid aan ku dacaayadeyneyno”.

Xildhibaan Axmed Libi ayaa dhanka kale ka hadlay waxa ka jira Mooshin la sheegay in xilka looga qaadayo Madaxweyne Waare.

“Waxaa jiray kulamo gaar gaar ah taasi oo looga arrinsanayay in shaqada uu hadda haayo wax ka badal uu ku sameeyo sidii larabayna uu u shaqeeyo kaliya waxaa la cadeynayaa in Meesha aysan shaqo oolin”.

Xildhibaannko ka tirsan Hirshabelle ayaa wada olole ay ku doonayaan in meesha uu baneeyo Madaxweyne Waare , halka Madaxweynaha uu isna wado qudhiisa kulamo uu la qaadanayo xildhibaannada ka soo horjeeda in uu ku qanciyo.

Goobjoog News