U bood dhigaalka

Hirshabelle: Nolosha Dad Badan Oo Halis Ku Jirta, Biyo La’aan Awgeed

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in qoysas badan ay qarka u saaran yihiin inay u geeriyoodaan biyo la’aan awgeed.

Hadalkani waxaa Goobjoog News, u sheegay guddoomiyaha guddiga biyo dhaamminta Hirshabeelle, Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame.

Xildhibaankan ayaa intaasi raaciyay in kumannaan qoysas ah oo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato oo ku tiirsanaa biyaha wabiga Shabeelle hadda ay xaalad biyo la’aan heysato,  maadaama biyihii wabiga todobaadyo ka hor gureen.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, wuxuu sheegayaa inay degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka sameynayaan gurmad biyo dhaamin ah, si ay ula tacaalaan xaaladdani biyo yarida ah oo dadka iyo duunyada ay u la’an karaan.

Xildhibaan ayaa sidoo kale ka hadlay in Hirshabeelle aysan awoodin inay biyaha ka haqabtiraan kumanaanka qoys ee ku noolaa jiinka wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Dad badan ayaa hadda halis ugu jira iney biyo la’aan u dhammaadaan, dadka oo dhan lama haqabtiri karo, xaaladda waa ay kasii darreysaa maalinba maalinta ka dambeysa” ayuu yiri xildhibaanka.

Wabiga Shabelle oo qoysas badan ku tiirsanaayeen biyahiisa ayaa hadda biyo la’aan ah, waana midda keentay in xaaladda dad badan ay ka darto.

Goobjoog News