U bood dhigaalka

Hirshabelle Oo Hirgelineysa Akaademiyad Ciidanka Lagu Tababaro

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle, taliyeyaal iyo mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Baladweyn ayaa waxaa ay ka qeyb-galeen dhagax-dhigga dugsiga tobabarka ciidanka Daraawiishta Hirshabelle.

Iskuulkan ayaa waxaa laga dhagax-dhigay deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Baladweyn, halkaasi oo lagu tobabari-doono boqolaal isugu jira ciidamo iyo saraakiil dhowaan la qoray.

Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow oo ka mid ahaa xubnihii ka qeyb-galay munaasabadda waxaa  ayaa Goobjoog News uga warammay ujeedka laga leeyahay arrinkan“Meeshaas waxaa ay noqon doontaa Akadeemiyad booliska oo dhan ay isticmaalaan, ciidankii waa lagu bilaabay waxaana lagu sii bilaabayaa ilaa iyo labo boqol oo askari, lix boqol ayaa dhowaan la filaan in la xareeyo marka ilaa iyo inta ay ka gaarayaan saddex kun waa lawadaa”.

Tan iyo markii la dhisay maamulka hirshabelle waxaa socday isku dayo kala duwan oo lagu doonayey in dhidibada loo taago ciidanka daraawiishta maamulka Hirshabelle.

Goobjoog News