U bood dhigaalka

Hirshabelle: Weli Galmudug Ayaan La’nahay Si Loo Xalliyo Colaadda Hiiraan

Sheeko:Amniga

Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in weli maamulka Galmudug aysan ka wada fariisan sidii loo dhammeyn lahaa  dagaallada ka socda xadka goballada Hiiraan iyo Galgaduud

Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo Shan maalin ah ay ku sugnaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan si dhiggooda Galmudug ay kala hadlaan joojinta colaadahaas balse uma aysan suuragalin.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiin Galmudug ah oo ay qadka taleefanka kula xiriireen ay ugu dambeyn Taleefannada ka dansadeen.

Waxa uu sheegay in beesha dhanka Hiiraan degta ay ogoshahay waan waanta, hase ahaatee beesha kasoo jeedda Galmudug ayuu tilmaamay inaanay jirin maamul ama mas’uul matala, gaar ahaan garabka Dhuusamareeb ee Galmudug.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Galmudug iney kaalin ka qaataan nabadda islamarkaana ay yimaadaan degmada Maxaas si xal loo gaaro.

Goobjoog News