U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Beeniyey In Wax Laga Bedalay Dastuurka Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in wax ka bedal lagu sameeyey dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Mudanahan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in xildhibaannada sheegay in la bedalay dastuurkan ay soo arkeen dastuur hore oo ka mid ahaa kuwii la diyaarinayey kahor inta aan midkan yaalla la qaadan.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim ay ahayd haddii ay wax jiraan in baarlamaanka la horkeeno kahor inta aan warbaahinta lala wadaagin.

“Dastuur la bedalay walaal ma jirto, waxbo lagama taabay midkii lagu heshiiyey, sidoo kale xildhibaannada warkaan sheegay waxay soo akhrinayeen nuqullo hore oo ka mid ahaa diyaarintii Dastuurkan oo laga soo tagay” ayuu yiri xildhibaan Warsame.

Xildhibaannada baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa muddooyinkaan dambe ka dhaxeeyey khilaaf baahsan, iyadoo mudanayaal saxaafadda kula hadlay Jowhar uu sheegay in wax ka bedal lagu sameeyey dastuurkii lagu heshiiyey.

Goobjoog News