U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Dhaliilay Hannaanka Shaqo Ee Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa aad u dhaliilay hannaanka shaqo ee maamulkaasi.

Xildhibaankan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in 80% aanu maaamulka Hirshabelle u shaqeyn sidii laga sugayey, kaliyana ay hadda jirto xukuumad dhisan oo aan shaqeeneyn iyo baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in xukuumadda ay shaqadeeda ka gaabisay, islamarkaana wax walbo oo dib u dhac ah ay iyadu mas’uul ka tahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shaqadii loo baahnaa lama qaban oo 80% waa qabyo, kaliya Hirshabelle waxaa ka dhisan baarlamaankii iyo xukuumaddii, xukuumadda ayaa shaqada laga rabay balse waa ay ka gaabisay ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaan Xaashi ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay wadaan la xisaabtanka wasiirada Hirshabelle, si loo helo shaqo degdeg ah, dadkuna aanay ugu hungoobin maamulka loo dhisay.

Goobjoog News