Hirshabeelle: Xildhibaan Ka Deyriyey Biyo La’aanta Jirta

Mudane ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka deyriyey xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta gobollada uu ka arrimiyo maamulkaasi, ka dib markii la waayey biyahii Wabiga Shabeelle.

Xildhibaan Nuur Xaashi oo wareysi siiyey Goobjoog Fm, ayaa sheegay in xaaladda biyo la’aaneed ee deegaannada Hirshabeelle ay aad uga sii dareyso.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay xilligaan in gurmad dhan walba leh lala soo gaaro shacabka Hirshabeelle.

“Qoysas badan ayey saameysay biya la’aanta Wabiga, waxaa jira baahi badan oo ay dadka qabaan, sidoo kale dadka ma heli karaan biyo nadiif ah, haddii aan gurmad loo sameyn” ayuu yiri xildhibaanka.

Wabiga Shabeelle ayaa biyo la’aan noqday, waxaana saameynta ugu badan uu ku yeeshay dadka iyo duunyadii ku tiirsanayd biyaha Wabiga.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW