U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Ka Digey Qalqal Amni Oo Ku Yimaada B/weyne

Sheeko:Amniga

Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle ayaa  ka digay qalqal amni oo ay wajahday magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Xildhibaan Cali Cismaan ayaa daba socda hadalkiisa kadib markii saraakiil NISA ah lagu xirey B/weyne, dhowaanna dib loo sii daayey.

Taliyihii nabad sugidda gobolka Hiiraan Aweys Maxamed Cali ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Baladweyne oo dhowr cisho uu ku xirnaa.

Amarka lagu xiray taliyahani waxaa bixiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Axmed Yuusuf Hagar Dabageed oo bishii la soo dhaafay dhammaadkeedii loo magacaabay gobolkaasi.

Taliyaha ayaa la sii daayay isagoo wax maxkamad ah la marsiin ama la caddeeynin sababta keentay xarigiisa.

Xildhibaan Cali Ciileey oo kamid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u sheegay Goobjoog in xarriga sarkaalkaasi uu yahay mid baalmarsan sharuucda dalka, kan dowlad goboleedka iyo nidaamka dowladeed.

Wuxuu ka digay in khilaafyada siyaasadeed oo suntan qabiilka oo waayadii dambe ka taagnaa magaalada Baladweyne in ay sii socdaan, isagoo tixaabay in arrintaas ay caqabado waa weyn oo laga soo gudbay dalka dib ugu celin karayso.

Madaxweyne Waare iyo xukuumaddiisa Hirshabeelle ayuu faray in si degdeg ah ay wax uga qabato dhibaatadaasi magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka aloosan.

Goobjoog News