U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Ku Baaqay In Wasiirada Aan Lagu Soo Darin Shaqsiyaad Ka Tirsan Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa madaxweynaha kula taliyay in xukuumaddiisa cusub uusan ku soo darin xubnaha baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in khilaafyada iyo mooshinnada madaxweynaha lagu ridi karo ay imaanayaan markii xubno ka tirsan xildhibaannada lagu daro wasiirrada kuwa laga tagayna ay mucaaradaan madaxweynaha.

Waxa uu tilmaamay in haddii la doonayo xukuumad Hirshabelle ah oo shaqeeya ay muhiim tahay in xildhibaannada laga ilaaliyo, banaankana laga keeno wasiirada.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaanka in madaxweyne Waare laga doonayo in wasiirada uu soo magacaabayo ay tiro ahaan yaraadaan, islamarkaana la keeno dad kala yaqaan deegaannada Hirshabelle waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga waxaan aaminsanahay in aan xildhibaannada lagu soo darin golaha wasiirada, sababtoo ah iyagaa is mucaaradaya, waxaa muhiim ah in la helo xubno yar oo shaqeynaya, bannaankana laga keeno” ayuu yiri xildhibaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa laga doonayaa inuu dhowaan soo magacaabo golihiisa wasiirada.

Goobjoog News