U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Sheegay In Habacsanaan Amni Ka Jirto Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Xildhibaan C/rashiid C/xakiin oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in habacsanaan dhanka ammaanka ah ay xilligaan ka jirto gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in aanay Al-shabaab aanay deganeen wadadan, balse ay yihiin kuwo jidka u gala gaadiidka.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney muhiim ahayd in laga taxadaro weerarada Al-shabaab, lana qaado tallaabooyin degdeg ah.

“Habacsanaan wey jirtaa laakiinse mid sidaas u weyn ma ahan, nimankaan Al-shabaab ah waa soo booddo oo jidka u galaya gaadiidka mas’uuliyiinta iyo ciidamada, waxaana haboon in tallaabooyin degdeg ah la qaado” ayuu yiri xildhibaanka.

Al-shabaab ayaa shalay jidka u galay gaadiid ay la socdeen Labo xildhibaan oo Hirshabelle ah iyo guddoomiye ku xigeenka Raaga Ceelle, kuwaasi oo halkaasi ku dhintay.

Goobjoog News