U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Sheegaya In Uusan Amni Ka Jirin Deegaannadaas

Sheeko:Amniga

Mudanayaal ka tirsan baarlmaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in amniga deegaannada maamulkaasi sugneyn inta ciidamada dowladda ay dib uga baxayaan deegaannada ay qabtaan.

Waxa ay sheegeen in ammaanka lagu sugi karo oo kaliya in meelaha laga saaro Al-shabaab la dejiyo ciidamada.

Xildhibaan Cali Cusmaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa in amniga Maamulka Hirshabelle aysan sugi Karin ciidamo inta meel tagaan iska soolaabto .

“ Dowlad aan laheyn Ciidamo rasmi ah ama sirdoon sax ah dowlad Maahan laguma sheegi karo dowladda waa in ay heli karto xogta haddii la ogyahay meesha ay dhibaatadu ka soo burqaneyso oo waddooyinkii la jarayo oo hadana laga soo laabanayo waxaas amni sugid maahan”.

Xildhibaan Cali ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira deegaannada Hirshabelle ay tahay wadashaqeyn la’aan ka dhex jirta xubnaha Maamulkaasi.

Goobjoog News