U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Walaac Ka Muujiyey Amniga Wadada Isku Xirta Jowhar Iyo Balcad

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim oo ka tirsan xildhibaannada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in wadada xiriirisaya Jowhar iyo Balcad ay ka taagantahay xaalad ammi darro.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim Warsame ayaa u sababeeyay amni darrada ka jirta wadada in ay tahay in safarka Xildhibaannada ee Muqdisho iyo Jowhar ay u isticmaali jireen dhulka balse hadda ay isticmaalaan diyaarad sidaas dardeedna loo dayacay amniga wadada.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in amni darada ka jirta deegaannada maamulka Hirshabelle ay kula xisaabtami doonaan madaxda maamulkaasi.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News wxaa uu yiri “Ka Xildhibaan ahaan arrinkan culeys badan ayuu nagu hayaa, maxaa yeelay wadada xilligan rabno ayaan mari jirnay, haddana waxaa yimid culeys amni darro oo dadka oo dhan saameeyay, waxaana leeyahay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa in dhaqdhaqaaqa yar ee amniga oo hadda la bilaabay in xoogga la saaro”.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shalay wadada u dhaxeysa Johar iyo Balcad lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ku soo jeeday degamada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe.

Weerarkas ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay shan askari, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Goobjoog News