U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Walaac Ka Muujiyey Xiisad Beeleed Ka Jirta B/weyne

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Maxamed Kheyre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa walaac xooggan wuxuu ka muujiyey xiisad u dhaxeysa beello walaalo ah oo wada deggan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay xildhibaankan oo u warammay Goobjoog News, in laga gaabinayo xal ka gaarista xiisaddan, islamarkaana gaabiska jira uu sabab u noqon karo in magaaladaasi lagu dhex dagaallamo.

Si gaar ah wuxuu ugu dhaliilay madaxweynaha Hirshaballe Maxamed Cabdi Waare inuu ka gaabiyey wax ka qabashada xiisaddan.

“Madaxweynaha waxay ahayd inuu la kulmo madaxda Gobolka iyo kan degmada maadaama xiisaddan ay tahay mid dhib weyn keeni karta, xilli walbana dagaal ayaa la filan karaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Beello wada deggan B/weyne oo xiisaddooda ka bilaabatay Geel la dhacay ayaa waxay hadana kala qafaasheen dad ka badan 10, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay xiisaddu cirka isku sii shareereyso.

Goobjoog News