U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaanno Taageeray Go’aankii Dowladda Ee Arrimaha Doorashada Maamulkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya kaasi oo ahaa in Soddon cisho gudahood lagu soo doorto madaxweynihii hogaamin lahaa maamulkaasi

Nuur Xaashi oo kamid ah mudanaasha baarlamanka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa u ku sheegay in dhankooda ay ka dhabeyn doonaan sidii ay usoo dadajin lahayeen doorashada madaxtimo maamulkaasi.

Dowladda ayuu sheegay in ay qaadatay go’aankii loo baahnaa, maadaama madaxweynihii Hirshabelle ay xilka ka qaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee markii horeba doortay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa Go’aan lagu farxo, waana wixii aan ka shaqeynnay, waan soo dhoweyneynaa, waxayna dowladda dhexe martay dariiq xaq ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay taageertay go’aankii ay xildhibaannada Hirshabelle xilka uga qaadeen madaxweynahooda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News