U bood dhigaalka

Hobalkii Caanka Ahaa ee Axmed Xudeydi oo London ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Londo ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Abwaan, fannaan, mulaxamiiste Axmed Ismaaciil Xudeydi kaas oo u geeriyooday xanuunka Coronavirus.

Fannaankan, ayaa la sheegay in maalmihii dambe uu la xanuunsanayay cudurkaan taas oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday sida ay xaqiijiyeen dad si aada ugu dhawaa marxuumkaasi Axmed Xudeydi.

Allaha u naxariistee Axmed ayaa caanka ku ahaa laxamada iyo tumista kabanka taasi oo keentay in dadka ay ugu yeeraan boqorka cuudka, waxaana fannaanka geeriyooday heesaha aadka loogu yaqaano ka mid ah heesta “Uuryo hooyo” oo ka hadlaysa walaaltinimada.

Axmed Xudeydi waxa la sheegaa in uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida.

Goobjoog News