U bood dhigaalka

Hobyo Oo La isugu tagay, Guryo Noocee Ah Ayaa Martida Loo Diyaariyey?

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Hobyo, ee gobolka Mudug  maanta gaaray xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaannada tagay waxaa ka mid ah: Xildhibaan Axmed Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Senetor Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana la filayaa in mas’uuliyiin kale ay tagaan berri iyo maalmaha xiga.

Ujeedka Hobyo loo tagayo waa shirka dib u heshiisiinta beelaha Habargidir, kaas oo muddo lagu jiray qaban-qaabadiisa.

Xildhibaan Axmed Fiqi oo goordhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ajiibo dacwada u timid ee ka qeyb galka shirka, isaga oo intaasi raaciyey in wanaag badan, oo xoojina midnimada iyo kalsoonida beelaha walaalaha uu  ka soo bixi doonno.

Wararka kale ee Hobyo laga helayo ayaa sheegaya in martida loo diyaariyey soo dhoweyn, dadka reer Hobyo waxaa ay ka guureen halkii ay deganaayeen iyaga oo martida u banneeyey guryahooda, waxaa la diyaariyey guryo ku filan dhammaan wufuudda la filayo iney halkaasi tagaan.

Shirkan ayaa imaanaya iyada uu ra’isul wasaare Kheyre Dhuusamareeb uga dhawaaqey in shir dib u heshisiin lagu qabto magaaladaasi.

Goobjoog News