U bood dhigaalka

Hogaamiyaha Mucaaradka Ee MalawiMalawi oo Loo Dhaariyey Madaxweynaha Cusub Ee Dalkaasi

Sheeko:Amniga

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay.

Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasi oo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo.

Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Salaasadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika.

Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah.

“Guushaydu waxa ay guul u tahay dimuqraadiyadda iyo cadaaladda,” ayuu yiri Chakwera oo hadlayay ka dib markii guushiisa lagu dhawaaqay gelinkii danbe ee Sabtidii, taasi oo dhalisay dabaal degyo xalay oo dhan ka dhacayay waddooyinka caasimadda Lilongwe, oo ah halka uu ka soo jeedo.

Codeyntan ayay falanqeeyeyaashu u arkayeen in ay tahay imtixaan ku wajahan awoodaha maxkamada Africa ay u leeyihiin la tacaalidda khiyaanada doorashooyinka, iyo xakameynta awooddaha madaxweynaha.

Goobjoog News