U bood dhigaalka

Hogaamiye Daacish Ah Oo Lagu Dilay Afgaanistaan

Sheeko:Caalamka

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha  Afghanistan Ashraf Gaani ayaa waxaa lagu sheegay in la dilay hogaamiye ka tirsan ururka Daacish kaasi oo lagu dilay Afghanistaan,waxaana lagu magacaabaa hogaamiyahaan la dilay Cabdi Xasiib.

Madaxweyne Asharaf Gaani ayaa sheegay in Cabdi Xasiib oo ahaa hogaamiye ka tirsan Daacish uu toban maalin ka hor ku dhintay hawlgal ay ka fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Afghanistan gobol lagu magacaabo Naanagraan oo ku yaallo bariga Afgaanistaan .

Waxaa la aaminsanyahay inuu ahaa Cabdi Xasiib qofkii ka dambeeyay weeerarkii dhacay bishii Maarso ee la soo dhaafay kaasi oo lagu qaaday Ispitaal ay leeyihiin ciidamada Afghanistaan, kaasi oo ku yaallo magaalada Kapul ee caasimadda waddankaasi, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30 qof.

Wasaaradda gaashaadhigga ee  Mareykanka ayaa bishii tagtay waxay sheegtay in Cabdi Xasiib laga yaabo inuu ku dhintay weerar ay si wada jira ah ay u sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afgaanistaan.

Bishii April ee dhamaatay ayaa waxay gacanta ku dhigeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan w Afgaanistaan  Bam aad u weyn kaasi oo a heyn nuuca ka sameysan Nukleerka Bam kaasi oo laga isticmaalay Mareykanka markii ugu horreysay,

Ururka Daacish ayaa waxay sheegeen in hogaamiye Cabdi Xasiib oo ka shaqeeyay wadamada Pakistan iyo Afghanistan ka dib markii loo maga caabay maamulka gobolka Khorasan sanadkii 2015kii, gobolkaan ayaa waxa uu xaduud la leeyahay waddanka Pakistan, maga caabistiisa ka dib waxaa la qaaday dhowr weerar Cabdi Xasiib ayaa saameyn kula haa labada waddan ee Afghanistan iyo Pakistan.

Waxaa kordhay weerarada Daacish

Bishii July ee sanadkii 2016 kii weerar ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday meel dadku ay iskugu yimaadaan oo ku taallo caasimadda waddanka Afghanistan  waxaa ku dhimatay ku dhawaad 80 qof.

Dhacdadaas ka dib saddex bil labo weerar oo isku eg ayaa waxaa lala beegsaday munaasabad loogu dabaal degay ciida arafa ,Yomul Caashura waxaa ku dhimatay 30 qof .

Bishaa November ee sanadkii 2016 kii weerar lagu qaaday Masjid ku yaallo caasimadda Kapul waxaa ku dhimaty in ka badan 30 qof.

Sidoo kale Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday maxkamadda sare waddanka Afghanistaan  bishii Febeury ee la soo dhaafay, weerarkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 22 qof.

Goobjoog News