U bood dhigaalka

Hogaamiye Daacish ka Tirsan oo Suuriya Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashidhiga Mareykanka Ash Carter ayaa dilka Hogaamiyaha Daacish ee Abuu Syaaf ay muhiim u tahay dadka iyo dalka Mareykanka.

Ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ayaa Abuu Syaaf ku dilay gudaha dalka Suuriya halkaas oo ay ku qaadeen weerar, Wararka ayaa intaa ku daraya in Mareykanka Ciidamadiisa aanay waxba ka dhiman.

Waa howl-galkii ugu horeeyay ee Mareykanka sheegaan ee dhulka,

Mareykanka waxaa ay sheegeen in Hogaamiyaha la dilay uu lacagta u qaabil sanaa Daacish isagoo Shidaalka ku jira magaalooyinka ay Daacish heystaan dibadda u suuq geyn jiray.

Mareykanka ayaa sidoo kale qafaashay Abuu Syaaf hooyadiis iyagoo ku eedeeyay in ay Mas’uul ka aheyd gabdhaha kusoo biiraya Daacish, tababarkooda.