U bood dhigaalka

Hogaamiye Sare Oo  Ka tirsan AL-Qaacida Oo Lagu Dilay Yemen

Sheeko:Dalka

Wasaaraddaka gaashaadhigga wadanka Mareykanka ayaa shalay oo jimco ahayd waxay shaaca ka qaaday  inay dishay mas’uul sare oo ka tirsan ururka alqaacidda ayna ku dishay duqeyn ka dhacday wadanka Yeman.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in duqeyntaa ay ka dhacday  xaafado ku yaallo bartamaha Yeman waxaana ku dhintay hogaamiye ka tirsan Ururka alqaacidda.

“ Duqeyntan waxay keentay inuu baxo mas’uul ka tirsan ururka Jihaad doonka alqaacidda waxa uuna mid ka mid hogaamiyaasha ugu cad cad jasiiradda carabta  howlaha argagixsino ee alqaacidda waxay saameyneysaa Yeman iyo guud ahaan gobolka “  saas waxaa yiri afhayeenka u hadlay wasaaradda difaaca ee Mareykanka .

Washinton ayaa waxay aaminsantahy  in ururka alqaacidda uu ku faafsanyahy wadanka Yeman  waxayna u aamisantay in farac ugu halista badan uu halkaasi uu ku suganyahy .

Yeman ayaa Goobjoog u noqotay muranno siyaasadeed in ka badan 20 bil,   waxayna sababtay iny ku dhintaan dad kor udhaafayo 7 kun halka 37 kun oo kalana  ay ku dhaawacmeen .

Alqaacidda iyo  Daacish waxay ka faaideysteen muranada siyaasadeed ee Yeman ka jira waxayna awoodooda ay ku balaariyeen Yeman gaar ahaan koonfurta.

Goobjoog News