U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dilay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Howlgal ay si wadajir ah u qaadeen  ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in maalinimadii Shalay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya  midowga Afrika ayaa weerar ku qaaday xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Awdheegle ee gobolka shabellaha Hoose iyadoo halkaa lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyannadii Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa degmadaasi, iyadoo sidoo kalena gacanta kusoo dhigay hub iyo rasaas, waana sida uu sheegay afhayeen u hadlay AMISOM oo la yiraahdo Col. Joe Kibet kaas oo u waramay wakaaladda SONNA.

” Ciidankeennu waxay dileen hoggaamiyihii al-Shaab ee magaalada waxayna dhaawaceen kuwo kale, ciidankeena iyo kuwa SNA waxay kaloo  ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas maanta” Afhayeenka ayaa sidaasi yiri

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo garab ka helay kuwa AMISOM ayaa bilaabay howlgallo ay ku baacsanayaan Al-shabaab ka hor doorashooyinka qorsheysan dabayaaqada sanadkan ee la filayo iney dalka ka dhacaan.

Goobjoog News