U bood dhigaalka

Hogaamiye  Sare  Oo ka tirsan Xamaas Oo Ugu Baaqay Qaaradda Africka kadoon ka Dhan Ah Yahuudda

Sheeko:Caalamka

Mas’uul sare oo u qaabilsan ururka Xamaas arrimaha dibadda oo lagu magaacabo Usaama  Xamaada ayaa ugu baaqay dhamaan shacuubta ku nool qaaradda Afrika kacdoonka dhan ah Yahuuda si loo hakiyo galitaanka  Yuhuudda ee qaaradda.

Mr Usaama oo hadal ka jeedinaayey shir looga hadlaayey arrimaha Qudus  kaas oo ka dhacay  caasimadda dalka Mauritania  ee Nouakchott   ayaa waxa uu  sheegay in Yahuuda ay bilowday iney xariir la yeelato wadamada qaaradda Afrika  loogana baahanyah shacuubta ku dhex nool qaaradda iney ka hortagaan arrinkaasi asigoo arrinkaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri .

“Yahuuda waxay safar indheyn  indheyn ah ay ku tageen wadamo ka mida qaarada Africa,  waxaa waajib ku ah shacuubta dagan qaarada kacdoon ka dhan ah Yahuuda oo iyagu aan dal leyhan ayuu yiri”

Usamaa ayaa ugu baaqay bulshada caalamka iney ka shaqeeyaan sidii Qudus ay xoriyad u heli leyd isagoo waliba ka dhawaajiyey in la gaaray waqtigiii la xoreyn lahaa qudus.

Qaaradda Africa ayaa sidoo kale waxa uu sigaar ah uga codsay iney taageeraan Qudus,  taageeridaas oo ah mid aan loo kala harin  waxa uuna ku bogaadiyey qaaradaani inaan suuqyada Africa aan la geynin waxay soo saaraan Yahuuda.