U bood dhigaalka

Hogaamiyeyaasha Ciidamada ay Ka Joogaan Soomaaliya oo Ku Shiraya Djibouti

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Djibouti ku shiraya hogaamiyeyaasha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya si ay uga hadlaan mustaqbalka ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Shirka madaxeedkan waxaa ka qeygalaya Madaxweynayaasha 4 dal oo ciidan ka joogaan Soomaaliya halka wadamada kale ay Wasiiro u matali doonaan.

Dalalka shirka maanta jooga waxaa ka mid ah: Djibouti, Uganda, Itoobiya, Kenya, Burundi iyo Nigeria  kuwaas oo ciidamo ka badan 20,000 ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Shir Madaxeedka maanta waxaa ka horeeyay shir ay shalay halkaas ku yeesheen wasiirada wadamada ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Djabuti oo shirka ka qeybgalaya ayaa Sabtidii yeeshay kulan hor dhac ah oo lagu falan qeynayo ciidanka AMISOM iyo sidii loo dhisi lahaa ciidanka qaranka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo mustaqbalka in ay badalaan AMISOM.