U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha ONLF: Halgankan Waxaa Bilaabay Axmed Guray, Waana Gumeysi-diid

Sheeko:Dalka

Hoggamiyaha jabhahda ONLF, Admiral Maxamed Cumar, oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey isaga iyo xubno la socady ayaa sheegay in halganka aanu hadda bilaaban isaga intaas raaciyey in gobolka uu ku jiro xilli kala guur ah.

Maxamed Cusmaan oo ka hadlaya wuxuu yiri“Ururka ONLF ma aha mid hadda bilowday, oo muddo dheerbuu soo jiray, muddadaas waxaa uu ku magacawnaa muddo qoray isu dhiib ah, oo shucladdii gobanimmo-doonka, qolaba qolo kale u dhiibeysay, Axmed Guray laga soo bilaabo ilaa maanta halgankaas wuu socday, halgankaas xaq-doon buu ahaa, gobannimadooda iyo xuquudooda ayey intaas raadinayeen, qoloba qole ayey soo badaleysay, ma joogsanin halgankaas gobannimo-doonka ee Axmed Guray soo bilowday, waxaa la diidan yahay gumeysi, waxaa la doonayaa cadaalad, dadkii intaas la cabanayey iney tiri, isbadalka cusub madaxda Itoobiya waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa iney dadka wada noolaadaay, oo umadiihii xaq u leeyihiin, dadkii halgamanayey dalkaas si xor ah ku soo galaan, golaha dhexe ayaa go’aan qaatay, sidaas ayaa dalka ku soo galnay”.

Admiral Maxamed Cumar Maxamed Cumar oo sidoo kale ka hadlay kala guurka waxaa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan moodaa in xafladda ay tahay mid kala guur ah, oo waqti hore oo dhib badnaa, oo kala qeysan, dagaallo iyo is xaqiraad badan ay ka jirtay iney waqtigaas soo dhameyneysaa ayaa moodaa, waxaad moodaa iney ku baaqeyso ama bilaabeyso in caadaalad lagu wada noollaado, qof walbana xuquuqdii helo, marxaladdaas iney bilaabatay ayaad moodaa in xafladdan bilow u tahay, waxaan rajeneynaa in xafladda sidaas noqoto, oo dulmigii iyo is xaqiraaddii dhamaato, oo cadaaladdii iyo horumarkii xafladdan ka bilaabato.

Mr. Maxamed Cusmaan ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa ay ku sii jeedaan Jigjiga, iyada oo halkaas ay bilaabi-doonaan wada hadal dheer, oo la xiriira nabadda iyo horumarka deegaanka.

Goobjoog News