U bood dhigaalka

Hoggaamiye Ka Tirsan Xowthiyiinta Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Hoggaamiye caan ah oo ka tirsan kooxaha Xowthiyiinta ayaa lagu dilay gudaha Yeman ka dib markii ay duqeeyeen diyaaradaha isbaheysiga Carbeed oo uu hoggaaminayo Sacuudig.

Hoggaamiyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Saalax Cali Al-samaadi, waxaa uuna ahaa madaxa golaha siyaasadda ee Xowthiyiinta.

Warbaahinta raacsan Xowthiyiinta ayaa sheegtay Al-samaadi in uu ku dhintay gobolka Xadiyah khamiistii la soo dhaafay.

Sacuudiga ayaa horay u shaaciyey Liis ay ku jiraan 40 hoggaamiye oo ka tirsan Xowthiyiinta waxaa uuna dul dhigay lacag dhan 20 Milyan in la siin doono qofkii keena xog ku saabsan, Al-samaadi waxaa uu ka mid ahaa dadka ku jiray Liiskan.

Goobjoog News